|

Ciidammo Milletari ah oo loo hawl-galiyey soo qabashada Dablay Weerartay Deked Dhismaheedu ka socdo Duleedka Berbera

Ceel-garde, 15. February 2016 (SDN/QJ):-Deegaanka Xeebta ah ee Ceel-garde oo Qiyaastii 35 KM u jira Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa Doraad Subaxdii hore waxa ka dhacay Shaqaaqo dhex martay Maleeshiyaad beelaysan oo ka mid ah Dadka deggan deegaanka Ceel-garde iyo Dad ilaalo ka hayey Deked Macmal ah oo laga yagleelayo Ceel-garde.

 

ciidanka QarankaShaqaaqadan oo sida la sheegay bilaabantay markii Dablay hubaysan oo ka mid ah Dadka Deggan Ceel-garde oo diiddan dhismaha Dekedda Macmalka ah ay Weerar ku qaadeen Dadkii ilaalinayey Dhismaha Dekeddaasi, waxaana halkaa la isku Waydaarsaday Rasaas socotay muddo Daqiiqado ah.

 

Ilaa hadda lama oga in Wax Khasaare ahi ka dhashay Is-rasaaseynta dhex martay Dablayda Reer Ceel-garde iyo Dadkii ilaalinayey dhismaha Dekedda Macmalka ah ee halkaa laga wado, marka laga reebo dhibaato la soo gaadhsiiyey Qalab ka mid ah ka lagu wado Hawsha dhismaha Dekeddaasi.

 

Maamulka Degmada Berbera iyo kan Gobolka Saaxil oo Shaqaaqadaasi ka dib Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Berbera, ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii halkaa ka dhacay isla-markaana lagu daba jiro Dablaydii Weerarka ku qaadday Dekedda dhismaheeda laga wado Deegaanka Ceel-garde ee duleedka Magaalada Berbera.

 

“Wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay Ceel-gardi ma jiraan. Laakiin, Qoladaa doraad Tashiiradda ku furay Dadka (Dekedda Ceel-gardi) Meel walba waa lagu qabanayaa oo Ciidammo ayaa ku daba jira, waayo? Dawladda Somaliland waxay heegan u tahay mar walba siday Cid kasta oo Nabadgalyada ku xad-gudubta tallaabo uga qaadi lahayd, Cid dambe oo ammaanka Gobolka Saaxil khalkhal gelisa ka yeeli mayno. Arrintaa dhacdayna baadhitaankeeda Booliskaa Gacanta ku haya, annaguna Meel adag baanu iska taageynaa Cidday ku caddaato inay ka dambeysay.”ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Saaxil.

 

Maayarka Degmada Berbrera Cabdishakuur Ciddin, ayaa isaguna sheegay, “Waxaanu Bulshada u sheegaynaa Ciddii Dambigaa gashay in Booliska iyo Milletarigu ku daba jiraan oo gacan buuxda ku soo qabanayaan.”ayuu yidhi, inkasta oo Warar soo baxay Xilli dambe oo Xalay ah sheegeen in Ciidammada Ammaanku Gacanta ku dhigeen laba Nin oo ka mid ahaa Kooxdii Weerarka ka geysatay Deegaanka Ceel-gardi ee Dekedda laga dhisayo.

Dekedda Dhismaheeda laga wado deegaanka Ceel-gardi ee duleedka Magaalada Berbera, ayaa waxa Maalmihii u dambeeyay aad uga hadlayey Dadweynaha Gobolka Saaxil, kuwaas oo diiddan, maaddaama oo aan ilaa hadda la ogeyn Sharciyadda lagu dhisayo Dekeddaa.

Comments are closed