Ciidammo Cusub oo ka socda Uganda Ayaa soo Gaadhay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya SAWIRRO
Muqdisho,9Nov,2015(QJ/SDN)-Cutubkii ugu horreeyay ciidammo cusub oo ka socda dalka Uganda ayaa soo gaadhay Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay, kuwaasoo beddeli doona ciidamo ka tirsan kuwa ka socda Uganda oo horay ugu sugnaa Somalia, kuwaasoo howshii ay u joogeen Somalia dhameystay.
Ciidamadan cusub oo qayb ka noqonaya AMISOM ayaa waxay bedeli doonaan ciidammo ka howlgalayay gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo uu taliye u ahaa, Col. Silvio Aguma, isla markaana ah ku simaha taliyaha ciidanka lugta ee Uganda, iyadoo ciidamadan Muqdisho soo gaadhayna uu taliye u yahay Col. Bob Ogik.
Sidoo kale, Col. Aguma oo salaan-sharaf ka qaatay ciidamada Muqdisho soo gaadhay ayaa sheegay in ciidamadii hore ee ay bedelayaan ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya muddadii halka sano ahayd ee ay joogeen, uuna kuwa cusub u rajeynayo inay howl fiican iyaguna qabtaan muddada ay shaqeynayaan.
“Runtii ciidamada dib ugu laabanaya Uganda waxay qabteen howl wanaagsan. Ciidamadan waxay ka howlgalayeen agagaarka Baraawe, waxaana ciidamadaan cusub la geyn doonaa degmada Baraawe, waxaana la idinka doonayaa inaad howl wanaagsan qabataan idinkoo matala dalkiinna,” ayuu Col. Aguma mar kale yidhi.
Taliyaha ayaa intaa raaciyay in ciidamada cusub ee Muqdisho soo gaadhay laga doonayo in ay sugaan amniga waddooyinka ay sahaydu u marayso, si ay ugu suuro-gasho in sahaydu ay gaadho, ayna howlgalladooda si wanaagsan u fuliyaan.
“Waxaa rajeynayaa in cutubkan oo ah kooxda 17-aad ee ciidanka dalka Uganda ay yihiin kuwo tababar fiican qaba, waxaana saaran xil ah inay howl aad uga wanaagsan howshii ay qabteen ciidamadii ka horreeyay ay qabtaan,” ayuu yidhi Col. Aguma.
Taliyahan ayaa ciidamada cusub ee ka socda Uganda u sheegay in ciidamadii ka horreeyay ay muddo sannad ah dhul ballaadhan ku qabsadeen, iyagana sidoo kale laga doonayo inay tallaabo taas la mid ah qaadaan. Marka ay laabanayaana laga doonayo inay laabtaan iyagoo waajibaadkooda si guul leh ku dhameystay.
Dhanka kale, ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka; Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa guuto walba oo ka mid ah waxay Soomaaliya ka howl-galaan muddo hal sano ah, iyadoo lagu bedelo marka howshoodu dhammaato ciidammo cusub.
Ugu dambeyntii, Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamada ugu badan ee hawl-galka AMISOM, waxaana Muqdisho la keenay sannadkii 2007-dii, iyagoo tan iyo xilligaas ka howlgalayay Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaateen, diyaaraddii keenay ciidamada cusub ee waddanka Uganda ka socda ayaa waxaa lagu celiyay ciidamadii horay uga howlgalayay Somalia ee ka socday Uganda, kuwaasoo muddadii shaqadooda dhameystay.