|

Ciidammada Masar oo weeraray fagaarayaasha Ikhwaanka ku sugan yihiin iyo Rabshado xoogan oo Haatan Socda

EGYP;Cairo:14-Aug-2013 (SDN)Ciidamada  Militariga Masar ayaa bilaabay subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaca ah  inay galaan qaar kamid ah goobaha ay banaanbaxa ku dhigayeen taageerayaasha ikhwaan muslimiinka.

 

Ciidamada ayaa saaka cagta mariyey fagaaraha Nahda ee deegaanka Giza oo halkaasi oo ay isku urursadeen taageerayaasha ikhwaan muslimiinka ee kasoo horjeeda afgembiga militari ee xilka looga tuuray Madaxweynihii la doortay Maxamed Morsi.

 

Dad badan ayaa ku dhintay hawlagaladan sida ay sheegayaan wararka soo baxaya qaarkood,  waxana  lagu soo warramayaa inay ku dhinteen hawlgalka ciidamada ka sameeyeen fagaaraha Nahda, waxaana weli la xaqiijin tirada khasaaraha oo dhameystiran, waase soo bixi doontaa tiradaasi.

 

Taageerayaasha Ikhwaan Muslimiinka ayaa saddex goobood ku sugnaa, fagaaraha Nahda, Jaamacada Qaahira iyo fagaaraha Rabah al cadawiya ee xaafada Nasr City.

 

Taageerayaasha  Ikhwaanka ayaa weli ku sugan Jaamacada Qaahira iyo Nasr city halkaasi oo hada lagu soo waramayaa in ciidamada ay rasaas ku furayaan dadka ku sugan fagaaraha Nasr City oo ah halka ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee banaanbaxaya dhigaya.

 

Tallaabadan ayaa in muddo ahba la sugayey sidii loo qaadi lahaa, waxana muuqata inay keenayso khasaare ba’an oo dhimasho u badan, iyadoo militariga dalkaasina ku dhiiraday inay qaadaan tallaabadan dhiigu du daadanayo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arrinta dalka masar oo haatan meel xaasaasi ah maraysa wararkayaga dambe ayaanu idiinku soo gudbin doonnaa.

Somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed