|

Ciidammada Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Ku Eedaysan Dilka Mid Ka Mid Ah Dirawallada Gaadiidka Iskaga Goosha Somaliland Iyo Puntland

Caynaba 15. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saraar, ayaa Gacanta ku dhigay Saddex Nin oo ku eedaysan inay Jidka u dhexeeya Oog iyo Guumays oo Gobolka Saraar ah ku dileen Nin Dirawal ka ahaa Gaadiidka iskaga goosha Puntland iyo Somaliland.

Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Saraar Gaashaanle Mursal ooo Hawl-galka lagu soo qabtay Ragga ku eedeysan Dilka Dirawalka, ka dib la hadlay Saxaafadda Shalay, ayaa yidhi “25/04/2017-ka ayaa waxa Nin lagu dilay Waddada u dhaxeysa Guumays iyo Oog, halkaas oo ah meel lama galaan ah oo Dadka lagu dilo, halkaas waxa galay Saddex Nin waxayna dileen Nin Dirawal ka ahaa oo waday Gaadhi ka yimid (Puntland) soona dhex maray Laascaanood kuna socday Magaalada Hargeysa. Markuu soo dhaafay Guumays, Oog-na aanu soo gaadhin ayaa Saddex Nin u galeen, waxayna halkaa ku dileen Nin la odhan jiray Cawil Axmed Siciid, Da’diisuna ahayd 44 jir, kaasi oo waday Gaadhi Mini Bus ah, waxaana lagu dhuftay Saddex Xabbadood.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Yuusuf Jaamac Mire waa Ninka aanu ku eedeynayno inu dilay Ninkaa aanu Magaciisa ku sheegay, waxaana Ninkaa la socday Laba Nin oo la socday.” Ayuu yidhi “Waxay noogu suurto-gashay inaanu qabanno Ninkaasi dhabar adayg ay muujiyeen Nimanka Baadhayaasha ah iyo Taliyaha Saldhigga.”

Badhasaabka Gobolka Saraar oo isaguna ka hadlay Shirka Jaraa’id ee Boolisku ku shaaciyey inay qabteen Cidda ku eedeysan Dilka Dirawalka, ayaa u Mahad-celiyey Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga bari oo uu sheegay inuu Gacan ka geystay Hawl-galka lagu soo qabtay eedaysaneyaashan.

Comments are closed