Ciidammada Ammaanka Somaliland oo qabtay 46 Tahriibayaal Itoobiyaan ah
Go’da-wayn, 19 January, 2016-(SDN/QJ): – Maamulka degmada Go’da-wayn iyo Ciidammada Ammaanka, ayaa gacanta ku dhigay Tahriibayaal tiro badan oo hab sharci daro ah loo dhexmarinayay Somaliland, kuwaasi oo u dhashay Dalka Itoobiya.
Tahriibayaashan oo saarnaa laba gaadhi oo NOHA ah, waxaana in gacanta lagu dhigo fududeeyay kadib markii ay isku dheceen baabuurta Tahriibayaashu saarnayeen iyo gaadhi kale oo ay la socdeen Wefti ka socday Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo ku sii jiiday deegaanka Go’da weyn.
Guddoomiyaha degmada Go’da-wayn oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 46 Tahriibe iyo laba baabuur oo ay ku jiraan dadkii fududaynayay, “Waxaanu degmada aanu ku qabanay laba gaadhi oo NOHA ah oo siday Tahriibayaal Ethiopian ah. Tirada Tahribayaashu waa 46 qof oo iskugu jira 41 Rag ah iyo 5 Dumar ah, waanu xidhnay dhammaantood, labadii gaadhi iyo dirawaladiina way xidhan yihiin. Waxaanu gaadhsiinay laanta socdaalka Somaliland”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dhib badan ayay tahriibayaashu nagu hayaan,, Xukuumad ahaanna go’aan ayaa laga soo saaray, ka degmo ahaan marar horena qaarbaanu halkan ku qabanay oo aanu laanta socdaalka u gudbinay, inkastoo ay qardajeex maraan haddana markay na soo dhexmaraan waanu qabanaa.”
Dhinaca kale, Taliyaha Booliska degmada Go’da-wayn ee gobolka Saaxil xiddigle Cabdi Maxamed Cilmi, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan 46-kan Tahriibe isla markaana u gudbin doonaan laamaha amaanka ee gobolada Saaxil.