Ciidamadii Gobolada Somaliland oo Hargeysa ku soo qulqulaya,maxey tahay sababtu?
Hargeysa Sept 24,2013(SDN)-Ciidamada Somaliland ee ku kala sugnaa gobolada dalka ayaa saaka magaalada Hargeysa lagu waaberiistay iyaga oo wadooyinka dhooban.
Ciidamada ayaa ilaa shalay magaalada ku soo qulqulayay ka dib kolkii axsaabta siyaasadu ku baaqeen isu soo bax.
Xukuumada ayaa dalabka mucaaridka uga jawabtay in ay wadooyinka soo dhoobto ciidamo laga kala keenay guud ahaan Soomaaliland.
Shacabka reer Hargeysana waxa ay is weydiinayaan waxa xukuumada ku kelifay in axsaab dastuuri ah ciidamo loo dalbado.
Magaalad aHargeysa ayaa suaalahan iyo qaar kale la isweydiinayaa saaka.
Mana cada jawaabta ay arinkan ka bixin doonaan mucaaridka xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com