|

Ciidamadii Dalka Sierra Leone Kaga Dhintay Somalia Oo Eheladooda Mag-dhaw La Siiyay

SERLEANMuqdisho,5Nov,2015(QJ/SDN)-Qoysaskii ciidamadii ka socday dalka Sierra Leone ee qaybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ee lagu dilay gudaha Somalia ayaa la siiyay lacag mag-dhow ah oo gaadhaysa 50,000 oo doollar, sida ay Arbacadii  sheegeen saraakiisha ciidamada dalka Sierra Leone.

Septimus Starry ayaa ka mid ahaa ciidamadii ugu horreeyay ee ka socda Sierra Leone ee la keenay Somalia sannadkii 2012-kii, ayaa ku geeriyooday howlgal ay ka wadeen Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka .

Xaaskii askarigan lagu dilay Somalia oo lacagta mag-dhowga ah la siiyay ayaa iyadana u sheegtay warbaahinta in lacagtan ay ka tir-tirayso muddo badan oo ay ku jirtay tiiraanyo, waxayna ururka Midowga Afrika kaga mahad-celisay lacagta mag-dhowga ah ee ay siisay.

Taliyaha ciidamada Sierra Leone, Jen. Samuel Omar William ayaa munaasabadii lacagaha lagu guddoonsiinayay qoysaskii ay ka dhinteen aabayaashood wuxuu ka sheegay in askartii ku dhintay howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ay ahaayeen geesiyaal, isla markaana ay ka mid ahaayeen askartii dalkooda u soo shaqeeyay.

Ciidamada Sierra Leone ayaa waxay ka mid ahaayeen ciidammadii hoos-tagayay Midowga Afrika ee la keenay Somalia, waxaana laga joojiyay howlgalka AMISOM sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dalkaas uu ka dillaacay cudurka Ebola oo ahaa mid halis ah, iyadoo laga baqay in askarta ka imaanaya dalkaas ay Somalia soo geliyaan.

Tallaabadaas lagu joojiyay ciidamadii Sierra Leone ayaa sababtay in Soomaaliya la keeno dufcaddii labaad oo ah ciidammo ka socda Sierra Leone, waxayna ciidamada Sierra Leone ka howl-galayeen gobollada Jubbooyinka.

Ugu dambeyn, Mag-dhowgan la siiyay qoysaska ciidamadii Somalia lagu dilay ee Sierra Leone ka socday ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumada Uganda oo ciidamadeedu ay ku sugan yihiin Somalia ay dhowr jeer oo hore sheegtay inaan la siin mag-dhowgii loo ballan-qaaday in laga bixinayo ciidamadii kaga geeriyooday howlgalka Soomaaliya ee AMISOM.

 

Comments are closed