Ciidamadii AMISOM iyo Dawladda Federalka Ka Joogay Degmadda Mahaddaaay oo Xalay Fiidkii Ka Dareeay Fadhiisinkoodii iyo Cabsi Soo Food Saartay Shacabkii
Mahadaay:21-Feb-2014(SDN)—Wararka ka Imanaya Degmadda Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Sheegaya in Ciidamada AMISO iyo Kuwa Somalia ay Xalay Fiidkii hore iskaga Baxeen Fadhiisimihii ay ku Lahaayeen Halkaas.
Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dhammaan ciidamadaasi Faaruqiyeen Goobihii ay Deggenayeen, isla-markaana aanay Garanayn sababta keenay inay Ka Baxaan Goobahooda.
Ciidamada ayey Dadka Deegaanku sheegeen inay u dhaqaaqeen Dhinaca Degamada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose.
“Waxaa jirta Cabsi ku aadan in Kooxda Al shabaab ay Xalay Magaalada soo gali rabeen, waayo dhamaan Ciidamadii Dowladda iyo kuwa AMISOM way isaga baxeen Magaalada, mana jirta hadda cid Gacanta ku haysa,” ayuu yidhi Qof ku sugan Mahadaay.
Gaadiidka Dagaal oo ay la socdaan Ciidamo isagu jira kuwa DFS iyo AMISOM ayaa lagu arkay iyagoo kasii baxaya Magaalada, una jahaystay dhanka Degmada Jowhar.
Lama oga Sababta ka danbaysa in Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo AMISOM ay dib uga soo baxaan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, xilli ay Gobolka dalka ay ka socdaan Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab.
Kooxda Al shabaab ayaa Bishii January 14, 2014 ee dhaafay Weerar ku qaaday Mahadaay, waxana Halkaas ka dhacay Dagaal dhimasho iyo Dhaawac badan keenay.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawaladda Federalka Somalia ayaa Haatan wada Dhaqdhaqaaqyo badan oo ku jihaynayaan Kooxaha Alshabaab oo la Doonayo in Dagaalo horleh lala Galo, walise lama Hayo istaraatiijiyad deggen oo weerarradaas loo qaadi karo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com