|

Ciidamadda Somaliland oo la Wareegay Deegaanka Tuko-raq Isla Markaana Baacsaday Ciidanka Punt land iyo Khasaaraha Dagaal ee ka Dhashay DAAWO

Laascaanood 08. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Waxay saaka gaadheen Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool Waxaanu Halkaasi Dagaal Saacado Socday uu ku dhex maray Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka Punt land.

Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa gebi ahaanba la wareegay Deegaankaasi oo ay hore uga arrimin Jireen Maamulka Punt land,Maamulka Gobolka Sool ayaa Sheegay inay Ciidanku deegaankaasi u Tageen Xasilinta Nabadgalyadda.

Comments are closed