Ciidamadda Puntland oo Duleedka Laasqoray ka af-duubtay Kalluumaysato Iiraaniyiin ah Iyo Somaliland oo ka hadashay DAAWO
Laasqoray 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Ciidamo ka socda maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay dhinaca Badda ka soo weerareen Somaliland, isla markaana ka kaxaysteen afar doonyood oo laga leeyahay Dalka Iiraan oo ay saarnaayeen laba iyo toban qof.
Hawlgalka ay fuliyeen ciidamadda Puntland waxay ku dileen nin wakiil ka ahaa Doonyahaas oo la odhan jiray Maxamuud Axmed Muuse Suldaan, kaasoo ku sugnaa goobta weerarku ka dhacay oo ku taala Duleedka Laas-qoray, gaar ahaan meesha la yidhaahdo gacan oo qiyaas ahaan u jirta 20km.
Illaa hada xukuumadda Somaliland iyo Puntland wax war ah kamay soo saarin weerarkan, hase yeeshee askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka soo jeeda sanaag barri ayaa Waaheen u xaqiijiyey dhacdadan, waxaanu xusay inay marka horeba Doonyahan ogolaansho ay biyaha Somaliland kaga kaluumaystaan ay ka haysteen maamul Goboleedka Puntland.
Dhinaca kale, waxa jira gaadhi ay lahaayeen koox lagu xidhiidhiyo budhcad Badeed kaasoo ay ciidamadda Somaliland ee Sanaag Barri ay qabteen isla markaana ay la wareegeen, kaasoo lagu eedeeyey in uu ku jiray hawl-gal ka dhan ah amniga.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada Cali Jaamac Bureed ayaa ka hadlay dhacdadaas