|

Ciidamadda Nabad Sugida Somalia oo Jidh Dil Jeelka ugu Gaystay Suxufi Maxamed Yaasiin Faratoon oo ka Tirsanaa Idaacadda Shabeele

Muqdisho 6.Feb 2012 (SDN/QJ):-Koox ka Tirsan Suxufiyiinta ka hawl gala Magaaladda Muqdisho ayaa Maanta Xabsiga Nabadsugida Somalia ku booqday Weriye Maxamed Yaasiin Faratoon oo Maalintii Shanaad ku jira Jeelka iyadoon la soo taagin Wax Maxkamad ah.

M.yaasiinKooxdan Weriyeyaasha ah oo Shir Saxaafadeed ku qabtay Huteel Maka al Mukarama ayaa sheegay in Ciidamadda Nabad Sugidu ay Jidh dil iyo Garaac u gaysteen Weriyahan iyagoo Sheegay inay Indhahooda ku soo arkeen Nabaro kaga yaala Lugta iyo Wejiga,Waxayna intaas ku dareen in Sidoo Kale ay Ciidamada Nabad  Sugidu u diideen inay Ehelkiisu ku soo booqdaan Xabsiga .

Xasan Muuse oo ka mid  ah Warfidiyeenada ka hawl gala Magaaladda Muqdisho ayaa Ciidamadda Dawlada Somalia ku Canbaareeyay Jidh dilka ay u gaysteen Weriyahan Waxaanu ka dayriyey Xaaladda Caafimaad ee Suxufigan.

Weriyeyaasha ka hawl gala dalka Somalia ayaa la Kulma tacadiyo ka dhan ah Shaqadooda iyadoo dhinacyada isku haya Somalia Sida dawlada Somalia iyo Kooxda Argagaxisad ah ee Al Shabaab uu mid kastaaba Cadaawad u hayo Weriyeyaasha ka shaqeeya Somalia oo ay adag tahay Sidii ay u gudan lahaayeen Waajibaadka Shaqada ay ummada u hayaan.

Xadhiga Weriye Maxamed Yaasiin Faratoon oo ka hawl gala Idaacada Shabeele ayaa ilaa iminka aan xal loo helin

Comments are closed