|

Ciidamadda ammaanka oo xoog ku kala kexeeyay taageerayaasha Ururka NDB oo mudaharaad abaabulay

Hargeysa, 29, April 2012 (SDN)- Ciidamadda ammaanka ee magaalada Hargeysa ayaa saaka baajiyay iskuday mudaharaad ay soo abaabuleen taageerayaasha Ururka NDB ee hogaanka u hayso Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahaa ururradii la sheegay inay  ku hadheen tartanka.

Ciidamadda  loo yaqaan SPU iyo RRU oo loogu talogalay ka hortaga argagixisada iyo arrimaha degdega ah  ayaa awood ciidan ku kala kexeeyay taageerayaal isa soo abaabulay oo diyaar u ahaa inay masiirkooda banaanbax ku muujiyaan.

Taageerayaasha Ururka NDB oo mudaharaadkooda ka soo bilaabay xaafadda New Hargeysa ayay ciidamaddu kaga hortageen goob aan ka fogayn halkii ay iska soo abaabuleen.

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa la sheegay in qaarkood ay qabteen ,isla markaan ay ciidamaddu xabsiga u taxaabeen.

SDN, Hargeisa

Comments are closed