|

Ciidamada Yemen iyo kooxaha xagjiriinta dalkaasoo dagaalo ku dhexmareen Konfurta dalakaasi

Abyen April 01,2012(SDN)-Saraakiisha  Military-ga  ee dalka  Yaman  waxa ay  maanta  sheegeen in ay  dhinteen ilaa shan iyo toban askari,  halka tiro kalena ay  soo gadheen dhaawacyo kale duwan,  ka dib markii weerar  kadis ah  lagu  soo qaaday  goob  “Control”  ah oo ay  ku sugnaayeen.

Saraakiishu  waxa y intaasi ku dareen in falkaasi  ka dhacay  gobolka  Laxash  ee  Koonfurta  Dalkaasi,   hase  yeeshee waxa  kale  oo ay  sheegeen saraakiishu  in  ilaa  siddeed  ka tirsan  kuwii  weerarka soo qaaday  halkaasi lagaga dilay  intakastoo ay  gacanta  ku dhigeen  goobtii Control-ka  ahayd    ee ay  ciidamada  qaranku ku sugnaayeen,  waxana  gobolka  Laxaj  soohdin la  wadaagaa gobolka Abyan  ay  mtidiintu gacanta  ku hayaan.

Dhinaca  kale, ciidamada  qaranka  ee dalkaasi ayaa ku soo qaaday  weerar rogaal  celin ah,  iyagoo adeegsanaya  diyaaradaha  dagaalka iyo madaafiic  culus , goobtii  laga qabsaday,  waxana  ay ku eedeeyeen  weerarkaasi  in ay  ka dembeeyeen  mitidiinta  islaamiga ah  oo ku xidhan  ururka  Al-qaacida.

Comments are closed