|

Ciidamada Xasilinta Oo Xoojiyey Xili Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Howlgalada Ay Ka Wadaan Degmooyinka Muqdisho SAWIRO

Muqdiso 18. June 2017 (SDN/QJ):- Ka dib markii magaalada Muqdisho uu ka dhacay weerar lagu hoobtay ayaa ciidamada xasilinta amniga waxay sii xoojiyeen howlgaladii ay horey uga wadeen magaalada ee amaanka lagu xaqiijinayey.

Ciidamada xasilinta ayaa lagu baahiyey dhamaan isgoysyada Muqdisho iyo wadooyinka jidcadeyaasha ah ee ay gaadiidku isticmaalaan, iyagoo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Inkastoo shacabka Muqdisho ay si weyn ugu riyaaqeen howlgalada ay wadaan ciidamada amaanka ayaa haddana waxaa saameyn xun iyo naxdin ku reebay weerarkii lagu qaaday Maqaayadaha iska horjeeda ee Pizza Hoose iyo Posh Streats.

Weerarkan oo ahaa kii ugu xumaa ee bishan Ramadaan ka dhaca magaalada waxaa ku naf waayey dad shacab ah oo ka badan 30 ruux iyo dhaawac tiro beelay, iyadoo dadka ku dhintay ay ku jireen sadex gabdhood oo walaalo ah.

Al-shabaab oo weerarkan sheegatay ayaa marka la soo gaaro bisha Ramadaan waxay xoojiyaan weerarada ay geystaan, waxaana dad badan ay isweydiinayaan waxa shabaabku ay ka faaiideyaan weerarada sidan oo kale ah oo inta badan lagu laayo dad shacab ah oo maqaayada iyo goobo lagu fiidsado iska jooga.

Comments are closed