Ciidamada Talyaaniga oo bad baadiyay kun qof oo tahriibayaal ah iyo Hal ruux oo dhintay
Maalta 12.April 2015 (SDN/QJ)- Sida ay Baahisay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa ku warramaya in markiibta Talyaaniga iyo kuwo ganacsi ay soo bad baadiyeen ku dhawaad 1000 oo tahriib ah kuwaas oo saarnaa saddex doonyood oo si weyn loo soo buux dhaafshay,
Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay in ay ka jawaabeen farriin dhinaca satalatyka ah oo muujinaysa in ay khatar ku sugan yihiin dadkan Jimcadii ay na u qaadeen dekeda Sicily,wax taafaasiil ahna kama bixin wadamada ay dadkani u dhasheen,laba kale oo doonyahan la buufiyo oo siday 73 qof kuwaas oo kala ah Siiriyaan,Somali iyo Kurdish ayaa iyagana waxaa ka hor yimi ciidamada ilaaliya xeebaha ee Talyaaniga meel u dhaw Puglia ,sidoo kale waxa ay sheegeen in ay qabteen laba qof oo kuwa wax tahriibiya oo u dhalatay wadanka Albeeniya.
Maalta SDN/QJ