|

Ciidamada Sucuudiga oo dhibaato ku Haya Haweenka Soomaliyeed ee ku Jira Xabsiyada dalkaasi

Jeddaha 25.Dec 2013 (SDN)- Wararka ka imaanaya xabsiyada ku yaala dalka Suciidaga ayaa sheegaya in xabsiyadaasi ay ku dhibaateysan yihiin Dad Soomaaliyeed, kuwaasi oo aan xabsiyada ku helin adeegyadii loogu talo galay maxaabiista.

haween XidhanGabdho Somaliyeed oo qaar kamid ah dhaawac rasaaseed ku yaallaam jirkooda ayaa waxay ku dhibaateysan yihiin Xabsiyo ku yaalla magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Muwaadinad Soomaaliyeed oo ku jirta xabsi ku yaala Magaalada Jeddah ayaa warbaahinta u sheegtay inay ciidamo ka tirsan dawlada Sucuudiga ay soo xireen gabdhaha Soomaliyeed, kadibna tacadi aad uweyn ay u geeysteen gabdhaha xabsiga ku jira.

Sidoo kale Gabadha la hadashay warbahinta oo magaceeda ku soo koobtay Laylo ayaa sheegytay in si bini’aadanimada ka baxsan lagula dhaqmo xabsiga ay ku xiran yihiin.

Isku soo wada duuboo dhibaatada lagu hayo Muwaadiniinta  Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibeddiisa ayaa marnaba Madaxda Dowaldda Soomaaliya waxa ay awooda saarin inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas loo geesanayo Muwaadiniintooda, balse mar walba ku mashquulsan is qab qabsi iyo qaabki ay lunsan lahaayeen lacagaha deeqaha ah ee la siiyo Dalka Soomaaliya.

Jeddaha SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed