Ciidamada Somaliland Oo Xabsiyada Magaalada Taleex Ku Guray Odayaal Lagu Eedeeyey Xagal-daacinta Nabadayn Deegaankaas Laga Wado
Taleex:May,11,2015(SDN/QJ)-Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa xabsiga ku guray odayaal iyo cuqaal kasoo jeeda Deegaanka Taleex ee Gobolka Xaysimo, kuwaas oo lagu eedeeyey xagal-daacinta Tallaabooyin lagu aburayo nabad laga dhex wado laba ardaa oo Halkaas dhawaan ku dagaallamay.
Odayaashan ayaa intooda Badan lagu xidhxidhay Xarumaha Ciidamada qaranku deggen yihiin, maadaama aanay jirin saldhigyo dhisan oo dadka lagu xidhaa.
Ciidamada ayaa xiliga ay xidh xidhayeen Odayaasha waxay rideen hubkii ay wateen waxaana daqiiqado kooban magaalada laga wada maqlayey dhawaaqa hubka sida uu noo xaqiiyey goobjoogaha, lamana sheegin wax khasaare ah oo dhacay.
Dhinaca kale waxaa xidhan dhamaan xarumaha ganacsiga magaalada Taleex waxaana weli ka socda howlgalo ay wadaan ciidamada Somaliland oo ay ku qab qabanayaan Odayaasha Taleex, kuwaas oo la sheegay inay abaabulayeen Hawllo colaadeed.
Magaalada Taleex waxaa dhawaan kuwada dagaalamay labo Beeleed oo wada dega degmada Taleex iyo deegaamada ku xeeran waxaana dhowr jeer la dhex dhigay gogol nabadeed, dhawaana waxaa gaadhay ciidamada Somaliland oo sheegay in ay ujoogaan nabad ilaalin.
SDN/QJ