Ciidamada Somaliland Oo Tallaabo-Tallaabo Ugu Sii Fidaya Xuduudaha Gacantooda Ka Maqan ee ay La Leeyihiin Dhinaca Puntland
Laascanood:14-Feb-2014(SDN)-Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa Maalimihii Ugu dambeeyey Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Xooggan oo Ciidan Ka Wada Dhinaca Xuduudda ay la Leeyihiin Maamulka Puntland.
Wararka aanu ka Helayno dhinaca Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo xoogani ay u dhaqaaqeen dhinaca Bari iyo Koonfureed ee Magaalada, waxana ay ku sii durkayaan Meelaha Xuduudda ah ee aanay hore u joogin oo Puntland iyo Khaatumo markii hore joogeen balse Haatan iska Bannaan.
Wararka kale eek a imanaya Deegaanka Ku dhaw Buuhoodle ayaa sheegaya in ciidamadii Somaliland ee Fadhiyey Aaga Degmada Qorilugud loo Dhaqaajiyey dhinaca Buuhoodle, waxana ay Haatan Fadhiisteen Magaalada Sooljoogto oo u dhaw Buuhoodle oo Kooxo Khaatumo ka Tirsani ay joogaan.
Ciidanka ayaan ilaa iyo Hadda wax Tallaabo ah qaadin, waxana maalin ka hor rasaas ku soo Riday Kooxo ka Tirsan jabhadda Khaatumo oo halkaas ku sugnaa balse Markii dambe ka Cararay oo u yaacay Dhinaca Magaalada Buuhoodle.
Madaxweyne-ku-xigeenka Cusub ee Puntland oo ka soo Jeeda Buuhoodle ayaa dhaqdhaqaajin badan ka wada Deegaanadaas, waxana ay Somaliland Diiddan tahay inay Magaalada Yimaadaan Masuuliyiin sheegaynaysa Puntland oo Doonaya inay Soo Galaan, iyadoo lagu wado in ciidanku u sii Ruqaansadaan Dhinaca Buuhoodle.
Xaaladdan cusub ee Ka soo Korodhay dhinaca Xuduudaha Somaliland la Leedahay Maamulka Puntland ayaa Cabsi ku Abuurtay dhammaanba shacabka Halkaas Deggen, waxana jira Warar horleh oo dadka Reer Guuraaga ah ee Aagaas Deggeni ka Qabaan in la isku dul qabsado.
Somaliland ayaa wali ka Hadlin Sababta keentay dhaqdhaqaaqyadan cusub ee ay ciidankeedu sameeyeen, waxase jira dareen laga Qabo inay Puntland doonayso inay ku soo Xadgudubto Deegaano Xuduudda ku dhaw oo Somaliland ka Tirsan balse aan Gacanteeda ku jirin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com