Ciidamada Somaliland oo gacanta ku dhigay degaanka Tuka Raq
Tuka Raq June 16,2012(SDN)-Ciidamada Somaliland ayaa saaka waaberigii u dhaqaaqay degaano dhawr ah oo ay ka mid yihin Tuka Raq iyo Yoocda oo fadhiisimo hore ugu aheyd ciidamo ka amar qaata Khaatumo.
Ciidamada Somaliland oo aan iska caabin fara badan kala kulmin meliishaadkii halkaa ku sugnaa ayaa gebi degaanka la wareegay.
Ruqaansigan u denbeeyay ee ciidamada Somaliland sameeyeen saaka ayaa aad ugu dhaweynaya xadka Somaliland ee dhanka Bariga.
Meliishaadkii ku sugnaa Tuka Raq ayaa si fudud u faaruuqiyay aagii ay fadhiyeen,isla markaana aan la garaneyn halka ay tegeen.
Weli labada dhan ee maanta iswejahay kama ay hadal dhacdadan degaanada lagula kala wareegay.
SDN-Tuka Raq
contact@somalidiasporanews.com