Ciidamada Somaliland oo boob dhuleed ka wada xaafada Masalaha Hargeysa iyo xaalada oo kacsan
Hargeysa Jan 24,2014(SDN/QJ)- Ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa saaka la arkay iyaga oo boobaya qeybo ka mida xaafada Masalaha ee magaalada Hargeysa dhul ku yaal.
Ciidamada ayaa la arkay iyaga oo dhismeyaal ka bilaabay dhul u dhaw Hotelka Amabasador ee magaalada Hargeysa oo hore u ahaa garoomo kubeda cagta ah.
Dhulkan oo dad sharci u heystay hore looga qaaday isla markaana la sheegay in ciidamada la siiyay ayaa haatan waxa ka bilowday dhimeyaal cida leh aan la garaneyn.
Waxa dhamaan wadooyinka xaafada Masalaha la soo dhoobay ciidamo hubeysan oo ilaalo ka haya dhismayaashan aan la garaneyn cida leh.
Taliyaha ciidamada Sareeye Gaas Ismaciil Maxamed Shaqale ayaa la isla dhex marayaa in uu ka danbeeyo dhismeyaasha sharci darada ah ee haatan socda.
Waxa magaalada Hargeysa khaasatan xaafada Masalaha laga dareemayaa xiisad ka dhalatay hab dhaqanka ciidamada iyo sida sharci darada ah ay dhulkan u boobeen.
Waxaana Suurtogal ah in xaaladani ay keento kacdoon shicib oo sababa khasaare maal iyo mid nololeedba hadaanay xukuumadu si degdega u faro gelin xaalada.
Halkan kala soco kolba waxa xaaladan ka soo kordha.
SDN/QJ-Hargeysa