|

Ciidamada RRU-da Oo Aqalka Ugu Daatay Xabsigana u Taxaabay Suldaan Sabayso Oo Dhawaan Si Adag u Duray Guddoomiye-ku-xigeenka Wakiillada

Hargeysa:Sep,18,2015(SDN/QJ)-Suldaan Mawliid Sabbayso oo kamid ah Salaadiin Beelaha Subeer Awad, ayaa xalay waxa Guri uu ku jirey ugu daatay Ciidammada sida gaarka ah u tabobbaran ee Booliska Somaliland ee loo yaqaanno RRU-da, waxana ay si xoog ah xabsiga ugu taxaabeen, iyadoo arrintaasna ay si weyn u cambaareeyeen Salaadiin miisaan ku leh Beeshaas oo markii la xidhayey Goob joog ahaa.

SULDAAN-MAWLIID-SABAYSOGurigan ay Ciidanka Booliska ee sida Millateriga u tabobbarani ka fuliyeen hawlgalka ay Suldaanka Sabayse ku soo xidheen, ayaa ku yaalla Xaafadda Jig-jiga-yar oo ka tirsan Degmada Kood-buur ee magaalada Hargeysa, isla markaana ah Guriga ay ku shiraan Salaaddiinta Beelaha Subeer-awal iyo Cuqaasha Beelahaasi.

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi, ayaa ka hadlay qaabka ay Suldaan Sabayso gurigaas uga soo qabteen Ciidammada RRU-da oo hubaysani Cawaysinkii Jimcaha xalay waxaanu sheegay inay ula dhaqmeen Madax-dhaqameed ahaan Ciidankaasi si Anshaxa, Milgaha iyo Muwaaddinnimada-ba ka baxsan sida uu ku dooday Suldaan Xasan.

“Weerarkaas Ciidanka RRU-du ku yimaaddeen Guriga ee ay Suldaan Mawliid ku soo qaateen, waxa uu ahaa mid Anshaxa iyo Milgahaba ka baxsan. Guriga Salaaddiinta Subeer-awal markaa ay RRU-du yimaaddeen waxaa ka socday Shir aan (Suldaan Xasan ahaan) guddoominayey, shirkii oo noo socda ayaannu ka war-helnay weerarkaas foosha-xun ee nagu habsaday.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan. Waxaanu sheegay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal inay haddii ALLAAH yidhaahdo Jimcaha maanta si faahfaahsan uga hadli doonaan arrintaas.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi, oo Cambaareeyey weerarkaas RRU-du Suldaanka kaga soo dhex-qabatay Guriga Salaaddiinta Subeer-awal oo markaas shir ka socday sida uu sheegay, waxa uu xusay inay dhawaanahanba maqlayeen in Xukuumaddu Ciidammo u dirayso oo lagu maqan yahay Guriga Salaaddiinta Subeer-awal ee gudaha Caasimadda Hargeysa. “Ciidankaasi waxay si anshax-darro ah oo fool-xun u kaxaysteen Suldaan Mawliid Sabayso oo Salaaddiinta Shirka aan guddoominayey fadhiday ka mid ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanka guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ay Ciidammada Sida gaarka ah u tabobbaran ee RRU-da ee ka tirsan Booliska Somaliland ku soo xidheen Suldaan Mawliid Sabayse, hase-yeeshee, ila-wareedyo kala duwan, ayaa warbaahinta u sheegay in sababta lagu xidhay la xidhiidho Hadal uu Suldaan Sabayse ka sheegay Saxaafadda qaarkeed oo uu kaga hadlay dagaal gacan-ka-hadal ahaa oo Sabtidii toddobaadkan dhammaaday Golaha Wakiillada ku dhex-maray Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax, kaasoo uu sheegay in Gardarrada dagaalka keentay lahaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiilladu Baashe M. Faarax.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed