Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Deegano Cusub oo ka tirsan Gobolka Sool
Laascaanood 16.Dec 2015 (SDN/QJ):-Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Fadhiisimo cusub ka sameystay deegano aanay hore u joogin oo ka Tirsan Gobolka Sool,
Degaanadan ay ciidamada Qaranku gaadheen ayay maalmihii ugu dambeeyey wararku sheegayeen inay isku urursanayeen maleeshiyooyin kala duwan, kuwaas oo kala firxaday markii ciidamada Qaranku halkaasi gaadheen shalay.
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa dadweynaha degaanka kala Kulmay soo dhoweyn balaadhan, iyaga oo kulamo la qaatay dadweynaha degaamadaasi ku sugan, waxaanay shacabka dhulkaasi ku dhaqan kala hadleen xoojinta nabadgelyada degaanadaasi.