Ciidamada qaranka Ciraaq oo gudaha u galay gobolka Kirkuuk oo ay isku horfadhiyeen ciidamada Ciraaq iyo kuwa Kurdiyiinta ee Peshmerga toddobaadkii ugu dambeeyey
Baghdad 17. October 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Ciraaq waxa ay hore u soo qabsadeen deegaannada ku xeeran gobolka Kirkuuk ka hor intii aanay gudaha u geli gobolka. kumanaan qof ayaa ka qaxaya deegaanada ay galeen ciidamada Ciraaq.
Ciidamada qaranka Ciraaq ayaa u dhaqaaqay deegaanada ay maamuulaan kurdiyiinta Peshmerga saddex wiiga ka dib markii ay maamul-gobaleedka Kurdiyiintu sheegeen inay shacabkoodu u codeeyeen afti ay ku doonayaan madax bannaani, taasi oo dalka Ciraaq ka dhalisay khilaaf weyn. ujeedada ciidamada ciraaq ayaa ah inay dib u qabsadaan dhulka ay qabsadeen ciidamada Kurdiyiintu ee hore looga qabsaday kooxda ISIS. gobolka Kirkuuk ayaa aan ka mid ahayn dhulka Kurdistaan, hasayeeshee waxa ay kurdiyiintu shacabka gobolka u ogolaadeen inay codkooda ka dhiibtaan aftidii madax bannaanida kurdistaan ee dhacday 25 bishii sagaalaad ee sannadkan.
Raysal wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-cabaadi ayaa hore u cambaareeyey aftidii ay kurdiyiintu ku dhawaaqeen, waxaanu ku sheegay inay sharci-darro tahay, hadalkan Raysal wasaaraha waxa markiiba ka jawaabay madaxda gobolka Kurdistaan oo ku tilmaamay inay aftidoodu tahay mid sharci ah.
War qoraal ah oo uu soo saaray Raysal wasaare Cabaadi ayaa lagu sheegay in hawlgalka ka socda Kirkuuk inu yahay lagama maarmaan oo ay tahay in la ilaaliyo midnimada dalka Ciraaq, sidoo kale laga hortago inuu dalka kala qaybsamo. milatariga dalka Ciraaq ayaa sheegay inay shalay qabsadeen saldhig milatari iyo laba ceel oo shidaal ah.
Dawlada Ciraaq ayaa sheegtay inay ciidamada Kurdiyiintu dib uga baxeen goobaha dagaalka iyaga oo aan dagaalamin, hasayeeshee waxa la soo sheegay inay dhinaca koonfurta laga maqlayey dhawaqa rasaast la is-waydaarsanayo.