Ciidamada Puntland oo xalay Nabadoono caan ah ku xiray Magaalada Garoowe
Garoowe Dec 23 2012 (SDN)— Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ciidamada maamulkaasi ayaa xiray nabadoono caan ka ah Deeganadaasi.
Xariga Nabadoonadan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamada ammaanka ee Puntland ay kala baxeyn hoteelo ay ka dagan yihiin Garoowe.
Wararka ayaa sheegayaa in ciidanka ay xireen ilaa afar nabadoon oo saddex kamid ah ay dib usoo celiyeen halka mid kalena ilaa iyo iminka aan la aqoon halka lala aaday.
Nabadoonada xalay ciidamada maamulka Puntland ay xireen islamarkaana ay dib ugu soo celiyeen hoteelka ay ka dagan yihiin Magaalada Garoowe ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoon Maxamed Shoobe Afcase, Caaqil Sahal Cabdislaaan Yuusuf Faahiye oo dhamaantood u tagay Garoowe ka hadalka siyaasada cakiran ee Puntland.
Maamulka Puntland ayaa iminka waxaa ka taagan xaalad siyaasad oo cakiran maadaama Madaxweyne Faroole uu doonayo inuu halsano kusii darsado inta uu talada Puntland hayo.
SDN-Garoowe