|

Ciidamada Puntland oo qabtay hub sharcidaro ah

Bossaso July 30, 2024(QJ) -Ciidamada amaanka Puntland ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen magaalada Boosaaso waxa ay kusoo qabteen hub iyo agab ciidan oo aad u badan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku soo dhigeen hub aad u fara badan, kadib howlgal ay ka sameeyeen guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.

Waxa ay sheegeen in ciidamada ay gudaha u galeen gurigaasi ay ka heleen hub aad u badan oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwa waaweyn oo lagu soo qariyay gurigaasi iyo rasaas iyo dareyska ciidamada.

Waxa ay xuseen in qabashada hubkan ay fududeysay in dhawaan la qabtay shaqsi lagu eedeeyay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, kaasi oo laga soo qabtay magaalada Boosaaso.

Comments are closed