Ciidamada Police-ka Gaarisa oo qabqabtay rag qorsheynayay weeraro
Gaarisa Aug 24,2015(SDN/QJ)-Ciidamada amaanka ee magaalada Gaarisa ee Woqooyiga dalka Kenya ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay damacsanayeen kooxo xag jira oo ka amar qaata Al Shabaab.
Asaarada arimaha amniga ee Kenya ayaa war ay arinkan ka soo saartay ku xaqiijisay in ay fashiliyeen weerarka.
“Ciidamada amaanku waxa ay Gariisa ku qabteen laba ruux oo aqal haklaa dhawaan ka kireystay, aqalka ayaa waxa laga helay hub la damacsanaa in lagu fuliyo weeraro ka dhan ah shicibka Kenya” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada Amniga Kenya.
Sidoo kale waxa ciidamada Amaanku sheegeen in ay ku daba jiraan ruux sedexaad oo ka baxsaday.
Wasaarada Amniga Kenya waxa ay ka gaabsatay in ay shaaciso halka ay xagjiriintu damacsanayeen in ay weerarka jack u siiyaan.
Waxa la aaminsan yahay in weerarada Kenya ay kuliyaan kooxo dana gaar ah leh, balse waxa inta badan weerarada sheegtay kooxda Al Shabaab.
SDN/QJ-Garissa