|

Ciidamada Nigeria iyo kooxda Boko Xaraam oo dagaalo fool ka foola isga hor yimi

Damaturu Dec 25,2011(qurbejoog.com)-Ciidamada amaanka ee dalka Nigeria ayaa dagaal kala hortagay meliishaadka kooxda Islamiga ah ee Boko Xaraam oo weerar ku qaaday degaano ka mid ah woqooyiga dalkaasi.

Boko Xaaraam oo todobaadkan laga qabtay aasaasihii kooxdaasi isla markaana dhintay intii uu ku jiray gacanta Booliska ayaa weeraro aan kala joogsi laheyn ku qaaday gobolka Damatura.

Madaxa Booliska ee gobolka Damatura Lt Gen Ihejirika ayaa sheegay in dagaaladan u danbeeyay ay ku geeriyoodeen ilaa 70 ruux.

Sidoo kale waxa dagaalada ku dhaawacmay tiro dad ah oo ku kala nool degaano dhamaantood ku yaal woqooyiga dalkaas oo ay muslimiintu ku badan yihiin.

Boko Xaaraam oo ka dhigan in waxbarasha rer galbeedku tahay xaaraam ayaa dagaal hubeysan ka wada woqooyiga Nigeria iyaga oo doonaya in ay degaanadooda lagu dhaqo shareecada Islamka.

 

Qurbejoog-Damatura

contact@somalidasoranews.com

 

Comments are closed