|

Ciidamada Nabad Suggida oo Cadaado ku Xidhay Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ee Ahlu Sunna

Cadaado,20Aug,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka KMG ee Galmudug, ayaa sheegaya in ciidamada Nabad Suggida ee Magaalada Cadaado ay xidheen Madaxweyne ku xigeenka Ahlu Sunna.

C/laahi Xersi Diirshe Ducaale, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Ururka Ahlu Sunna ayaa hada ku jira Xabsi ku yaallo Magaalada Cadaado oo ciidamada ay ku xidheen.

Waxaa la sheegayaa sababta loo xidhay inay tahay inuu Warbaahinta kasii daayay xalay warar lidi ku ah Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Somalia.

Maamulka Galmudug ilaa hada kama aanay hadlin sababta loo xidhay Madaxweyne ku xigeenka 1 aad ee Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa ku dhawaaqday dhawaan Madaxweyne iyo Afar Madaxweyne ku xigeen, kuwaasi oo looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb.

Wixii kasoo kordha xadhiga madaxweyne xigeenka Ahlu-sunna halkan kala soco insha Allaah.

Comments are closed