Ciidamada Masar oo sheegay in xilka ay heyn doonana inta Madaxweyne la dooranayo
Qahira Feb 11,2012(qurbejoog.com)-Golaha Military ee ka taliya dalka Masar ayaa maanta ku dhawaaqay inaanay wareejin doonin Xilka Madaxtinimada ilaa inta aan la soo dooran Madaxweyne sharci ah.
Afhayeen Golaha Malatariga u hadlay waxaa uu sheegay in dalku ku jiro xaalad kala guur ah,oo loo socdo sidii loo gaadhi lahaa Dimiqraadiyad Taam ah,Haseyeeshee aan loo baahnayn in dalka laga abuuro Rabshado siyaasadeysan,isagoo si cad u sheegay in ayna waxba yeelayn,hanjabaadaha ka soo yeedhaya Siyaasiyiinta qaarkood oo ay waajibaadkooda Gudanayaan.
Hadalada Kulul ee ka soo yeedhaya Malatariga ee dalka Masar ka taliya waxaa uu ka dambeeyay markii ay dalkaasi ka dhaceen dibad baxyo lagu diidanyahay Golaha Malatariga ah,oo ku baaqaya in xilka ay ku wareejiyaan Madaxweyne Shicib ah.
Qurbejoog-Qahira