|

Ciidamada Maali iyo kuwa Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay magaalada Booriim ee dalka Maali

Booriim 19,2013(SDN)-Wararka imanaya dalka maali ayaa waxa ay sheegeen,in ciidamada faransiiska iyo  kuwa maali ay qabsadeen magaalada  Booriim ee ku taala woqooyiga dalka maali.

Wakaalada warar ee Router ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada faransiiska oo ay weheliyaan ciidamada dalka maali ay gacan ku qabashadooda ku  sii fidinayaan goobo  ay xoogga falaagada islaamiyiinta   ah ee woqooyiga dalka  ay ka soo qaadaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka maali ayaawaxa uu sheegay in magaalada Boriim ee ay gacanta ku dhigeen  ay fadhiisin u ahayd  kooxaha islaamiyiinta ah.taasi oo ku taala  duleedka webiga  Nayjar, waxaanay ilaa  sideetan kilo mitir uga jirtaa dhinaca  woqooyi Magaalada  Gao.

Ciidamada faransiiska iyo kuwa midowga afrika waxay ilaa hadda ku guulaysteen inay xoogaga islaamiyiinta ah ka qabsadaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee  woqoyiga dalka maali ee ay markii hore kooxaha islaamiyiinta ah gacanta ku hayeen.

SDN-Bamako

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed