Ciidamada Ladagaaalanka Argagaxisada Kenya oo Goordhow Toogasho ka gaystay Xaafadda Islii.
Muqdisho 11 June (SDN) Booliiska dalka kenya ayaa saakay xaafada Islii ee ay Soomaalida dagto ee magaalada Nairobi waxa ay ku toogteen nin looga shakiyay in uu argagixiso yahay .
Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in ninkani uu ahaa qofkii ka danbeeyay qaraxii banbaano ee habeenimadii axada ka dhacay xaafalada Islii.
Booliiska la dagaalanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa toogtay ninkan kadib howlgal ay saakay ka sameeyeen xaafao katirsan Islii, sidoo kale ciidamada booliska Nairobi waxa ay sheegeen in ninkan ay ka heleen bistoolad markii ay toogteen kadib ayna ku raadjoogeen mudooyinkii danbe.
Xili uu goordhow saxaafada lahadlayay Taliyaha booliiska ee Nairobi Benson Kibui waxaa u shaaca ka qaaday in ninkan uu ku jiray liiska dad si wayn loo baadi goobayay uuna ka mid ahaa danbiilayaal lagu daba jiray .
Mr Benson ayaa intaa ku daray in ninkan uu Nairobi soo galay 5 bishan June uuna ka yimi Mandera, 4 maalmood ka hor qaraxii axada dhacay.
“Waa ninkii banbaanada ku tuuray dadka aan waxba galabsan habeenkiii axada ayuu yiri ,” Mr Kibui oo ku amaanay ciidamadiisa howlgalkii ay fuliyeen.
Axadii lasoo dhaafay ayaa qarax lagu weeraray goob ay dadka ku caweeyaan oo Islii kutaal halka dhanka kale Magalada Mombasa uu qarax kaas lamid ah ka dhacay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com