|

Ciidamada Kiinya iyo Al Shabaab ku dagaalamay Garrisa

Garrisa November 25, 2024(QJ) – Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxa ay ku dileen mid ka mid ah kooxaha argagaxisada ah, waxaana ay kusoo qabteen hub fara badan.

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ayaa sheegay in kooxdooda gaarka ah ee loo yaqaano (SOG) ay howlgal sirdoon ah ay ka fuliyeen deegaanka Najo oo ka tirsan deegaanka Faafi, iyagoo soo furtay saddex qori oo AK-47 ah oo ay ku jiraan rasaas, qori RPG ah, iyo madaxa dagaalka RPG.

“Tallaabadan go’aanka ah waxay astaan ​​u tahay guul kale oo laga gaaray howlgalka hagar la’aanta ah ee SOG ee lagu ilaalinayo qaranka, sida ay uga go’an tahay xaqiijinta ammaanka dhammaan dadka Kenyaanka ah ayaa weli ah mid sugan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Booliiska La-dagaalanka Argagaxisada fiidnimadii Sabtida.

Qeybta ayaa xaqiijisay in howlgalkan uu horseeday iska hor imaadyo ay la galeen maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsadeen in ay ka feejignaadaan weerarada uga imaanaya kooxaha fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya sanadkii 2011, weeraro dhowr ah oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab ayaa ka dhacay degmooyinka Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya. Ciidamada amaanka Kenya oo ka jawaabaya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxa ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka.

Comments are closed