|

“Ciidamada Kenya Waxay Somaliya u Joogaan Inay Caawiyaan Dawlada Somaliya , Mana Jirto Inay Dhoofiyaan Sonkor iyo Dhuxul” Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyata

Nairobi 16.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeysay ka hadlay eedeymaha loo jeediyay ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu ugu horeyn been abuur ku tilmaamay in ciidamadiisa ay dhuxul iyo sonkor sharci daro ah ka dhoofiyaan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in caawimaad ay caawinayaan dawlada Soomaaliya u joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

“Maalmahan waxaan la yaabay in shacabka Kenya ay hadal hayaaan in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay sameeyeen wax aan wanagasaneyn, ma garan karo waxay sameeyeen,mana ahan wax jira waxa la sheegayo ee ka keeyahay waxay dhoofiyaan Sonkor iyo dhuxul”ayuu yidhi Uhuru Kenyatta.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa dhankiisa waxba ka ma jiraan ku tilmaamay dhamaan eedeymaha loo jeediyay ciidamada dawlada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo.
Ciimada Kenya ee ku sugan gudaha somaliya ayaa lagu eedeeyay inay ka ganacsadaan dhuxusha iyo sonkorta taasi oo ay ka dhoofiyaan magaalada Kismaayo.

Comments are closed