“Ciidamada Kenya Waxay Somalia ka Bixi doonaan Sannadka 2017” Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia
Muqdisho 12.April 2015 (SDN/QJ) Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday in marka la gaadho sanadka 2017 ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay ka baxayaan Koofurta Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in qorshaha Ciidamada Kenya ay ku baxayaan uu yahay mid qeyb ka ah heshiis hore uu u saxiixay Ururka Midowga Afrika.“Ciidanka Kenya markii ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011 waxay wadeen howl gallo ay dalka ku xasilinayaan, 2017 waxaa rajeyneynaa inay dalka ka baxaan, waxaana socda qorshe dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya, si ay amniga guud ee dalka ula wareegaan”ayuu yidhi C/salaan Hadliye
Wasiir Hadliye ayaa sheegay in Ciidamada Kenya joogitaankooda Soomaaliya aan qaab gumeysi loo fasiri karin, balse ay yihiin ciidamo ka qeyb qaadana xoreynta Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada Somaliya.
Al-Shabaab ayaa hore u sheegtay inay sii wadeyso weerarada ay ka geysaneyso gudaha Kenya ilaa ay ka baxaan Soomaaliya.
Ciidamada Kenya oo markii ay si iskood u soo galeen Soomaaliya, waxaa ay ka mid noqdeen howl galka AMISOM, waxaana ay ka howl galaan Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose oo ay kaga sugan yihiin magaalada dekeda leh ee Kismaayo.