|

Ciidamada Kenya Oo Toogtay Gudoomiyihii Deegaanka Ceel Cadde Ee Dowlada Federaalka Soomaaliya

KENY

Sawirka: Ciidamada Kenya Ee Ka Cararay Soomaaliya dhowaan

CEEL-CADDE – Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidanka Milatariga dalka Kenya ay dileen Gudoomiyihii deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi oo loo yaqaan (Qoorleex)

Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada oo ku sugan Gobolka Gedo laguna magacaabo Axmed Aadan Xirsi ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka Kenya ay dileen Gudoomiyhii deegaanka Ceel Cadde oo maalmo badan gacanta ugu jiray.

Waxa uu sheegay in ay garan la’yihiin sababta ay ciidanka Kenya u dileen Gudoomiyaha Deegaanka Ceel Caade, waxa uuna xusay in Gudoomiyaha iyo rag kale ay qabteen maalmo kahor ciidanka Kenya ayna malintii shalay gudoomiyaha ku dileen Tulada Shiidle oo katirsan Deegaanka Ceel Cdade.

Ciidanka Kenya ayaa si weyn uga careesan wali weerarkii askarta badan looga laayay ee Al-Shabaab ku qaadeen Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, waxa ayna ciidanka Kenya ay Gobolka Gedo ka wadaan dilal ay kula kacayaan dadka rayidka ah.

Dowlada Kenya ayaa baaditaan hour dhac ah ay ku sameesay weerarkii ka dhacay Deegaanka Ceel Cadde waxa ay ku eedeesay beesha Degta Gobolka Gedo ee Mareexaan in ay ku lug lahaayeen weerarka askarta badan looga dilay, waxa ayna ciidanka Kenya maalmihii lasoo dhaafay duqeymo ka wadeen deegaano iyo tuulooyinka kuyaala Gobolka Gedo.

Comments are closed