Ciidamada Kenya oo qarax lagula beegsaday gudaha dalkooda
Wajeer Dec 11,2011(qurbejoog.com)-Qarax maanta mar kale lala beegsaday ciidamda dalka Kenya ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera oo labaduba xadk Soomaaliya saaran.
Wararka qaraxan ka soo baxaya ayaa sheegay in tobaneeyo ka mid ah ciidamada Kenya oo marayay wado aagaa ku taal lala eegtay in ay ku waxyeeloobeen.
Waa qarixii labaad ee gobolka woqooyi Bari Kenya maanta ka dhaca oo ciidamada lala beegsado.
Qaraxyada lala beegsado ciidamada Kenya ayaa sii kordhayay intii ka danbeysay kolkii ciidamada Kenya ay guddaha u galeen dalka Soomaaliya.
Qurbejoog-Wajeer