Ciidamada Jabuuti oo hawlgaladoodii u horeeyay ku beegsaday barekacayaal
Muqdisho Dec 28,2011(qurbejoog.com)-Ciidamada dalka Jabuuti ee Muqdisho gaadhay todobaadkii hore ayaa maanta sameeyay hawlagaladoodii u horeeyay iyaga oo kaashsnaya ciidamada dalka Burundi.
Ciidamadan ayaa xero ay ku jireen dad barakacayaal ah ka saaray si ay iyagu xarun uga dhigtaan.
Xeradan oo ku taal xaafada Hodan ayaa hore u aheyd xarun lagu xanaaneeyo agoonta Soomaalida.
Qoysaska halkaa ku noolaa oo ahaa dad ka soo barakacay dagaalada iyo macaluusha iskaashaday.
Dawlada Jabuuti ayaa madaxweyneheeda Ismaciil Cumar waxa uu u sheegay in ciidamadu ay Muqdisho u tegayaan si ay u tababaraan ciidamada Dawlada.
Qurbejoog-Muqdisho