“Ciidamada Itoobiya: Waxaan Aaminsannahay inaad dalkiinnii qayb ka mid ah aad timaadeen” Wasiirka Arrimaha Bulshada Jubbaland
Kismaayo,6Jan,2016(QJ/SDN)-Ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan gaadhay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.
Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa soo dhaweyn usameeyay Ciidamada Itoobiya ee gaadhay magaalada Kismaayo.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wayn uga cadhooday hadal kasoo yeedhay Wasiirka Arrimaha Bulshada Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim, hadalkaasi oo uu wasiirku ku sheegay in ciidamda Itoobiya ee gaadhay Kismaayo ay yimaadeen qayb ka mid ah dalkoodii.
‘’Imaanshadiina waan ku faraxsannahay (Ciidamada Itoobiya), in badanna waan idin sugaynay, waxaan aaminsannahay in idinka iyo annaga aan isku khad nahay, waxaan aaminsannahay in dalkiinii qayb ka mid ah aad timaadeen, waxaan aaminsannahay anaguna insha Allaah inaanu si hufan idinla shaqayn doonno, ‘’ ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Bulshada Jubbaland
Si Aad U Daawato Muuqaalka Soo dhaweynta Ciidamada iyo Hadalka Wasiirka:RIIX