|

CIIDAMADA IGA RAR MACNAHEEDU WAA DALKA MA LIHID

4 MAXBUUS OO REER SOMALILAND AH AYAA LA DHAAFSADAY 68 MAXBUUS+ GOBOLADII BARI OO LA LUMIYEY+KHAATUMO STATE OO LA AQOONSADAY!!!.

 

Waxaa ka guulaystay Xukuumadii Somaliland oo qaab-siyaasadi ku dheehantahay uga libin helay mr. Xagle-toosiye wuxuu guusha ku helay kadib markii todobaadaneeyo maxbuus uu kala baxay Jeelka weyn ee Hargeisa+ ciidamadii jiidda hore joogay oo uu sandule kaga dhigay in la soo saaro si ay ula wareeegaan kooxdiisa Khatumo State of Somalia, wayna dhacday oo markii ay intii ugu horaysay soo baxday way soo galeen iyagoo hubaysan waxaa arintan kuu cadaynaya bal akhriso hadalada maamulka khaatumo.

“waxaan maanta halkan ku wareejinayaa maxaabiis lagu soo qabtay dagaalkii dhawaantan ku dhex maray ciidamada khaatumo state of Somalia iyo kuwo Somaliland deegaanka Buuhoodle odayaasha dhaqanka iyadoo aanu macnaheedu ahayn heshiis na dhex maray anaga (Khaatumo) iyo Somaliland ee waa arimo bani-aadamnimo” ayuu yidhi Maayarka magaalada Buuhoodle C/casiis Ducaale Qanbi.

Markaa aad u fiirsato hadalkan maayarka waxaad arkaysaa inay Buuhoodle gabi ahaanba maamulkeedii soo dhadhawaa ay u gacan gashay maamul Somaliland diid ahaa oo aan ogolayn wax heshiis ah oo dhex mara iyaga iyo Somaliland.

 

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah in Qodobada Xagle-toosiye ay yihiin kuwo dhamaan ay faaiido ugu jirto isaga iyo maamulkiisa ee haba yaraatee ayna wax faaiido ahi ugu jirin dhinaca kale ee Heshiiska la saxeexday ee Xukuumadda Somaliland, waxaan aad ula yaabay ninku nimanka miyuu sixray baan  is idhi mise wax kale ayaa meesha ku jira oo heshiiskii Emirate-ka lagu kala saxeexday ee Madaxweynaha (Ahmed Siilanyo) iyo Madaxweynaha (Sheekh Shariif) dhex marayba intan uun buu nuxurkiisu ahaa!!.

 

 

Bal u fiirso labada dhinac labada qodob ee ay kala wataan :

Dhinaca Xagle-Toosiye:

  • Ciidamaddii oo laga soo saaray jiiddii Buuhoodlle+ ciidamadiisii oo la wareegay meeshii ciidanku baneeyay
  • 68 maxbuus oo loo sii daayay+ lacag badan oo lagu sagootiyay.
  • Isagii iyo Maxaabiistiisii oo si heersare ah loo sii galbiyay.

Dhinaca Xukuumada Somaliland:

  • In nabadda la ilaaliyo.
  • 4 maxbuus oo la soo daayay oo laga hayay dhinaca Somaliland, iyadoo waliba aynu soo aragnay inay si baniaadamnimo isaga soo daayeeen ee ayna ku lug lahayn hashiiskan.

Falanqaynta Qodobada hoosmaray xukuumada ee uu kaga guulaysatay Xagle-Toosiye waxaa kamid ah in ciidamadii laga soo raray jiida hore ee ay ka mid tahay Sool-joogto iyo maygaagle, taas oo macnaheedu yahay in aanay meelahaasi ka mid ahayn dhul ka tirasan Somaliladn, isla markii ay ciidamadu baneeyeenna ay soo galeen kuwii Khaatumo ee dagaalka waday iyagoo hubaysan, hadii aan u fiiirsano qaabka qodobkani u qaldan yahay, bal u fiirso Magaalooyinka soomaliland dhamaan waxaa ka buuxa oo jooga ciidan tiro badan hadii nin yidhaahdo “ha laga kaxeeyo agtayday” miyayna jawaabtu ahyn “cid kalena ma ogolaanaysee  halkee la geeyaa, ma cirka ayay xaruno ka samaysan donaan” sow ciidamo wadankoodii jooga maaha taas macnaheedu waxaa weeyi in ciidamadu aanay joogin dalkoodii ee ay joogaan dal ay xoog ku qabsadeen, oo markaa si labadii wadan u heshiiyaan ay lagama maaarmaan noqoto in ciidamada laga saaro wadankan kale isla marka laga saaro dee wadankii ma ciidan la’aanayee waxaa markiiba soo badalaya kuwii lska lahaa ee dalka kale ee laga xoog roonaaday.

 

Waxaa taa ka daran jabhad nabad-diid ah oo dagaalkii lagu soo qabtay oo jeelka ku jira in si tartiib ah oodda looga qaaday iyadoo aan loo marin sifo sharciga waafaqsan, iyadoo ay jirto maxaabiis ka kiis sahlan oo hadana xidhan sida kuwii lagu soo qabqabtay iyagoo difaacanaya dhul ay leeyihiin oo ciidanku kula dagaalamay ee warshada kabista agteeda ahayd.

 

Abdilahi Adam Caabi

Comments are closed