|

Ciidamada FBI-da Maraykanka Oo La Wareegtay Amaanka Airport-ka Jomo Kenyatta Ka Hor Usbuuc Booqashada OBAMA.

Nairobi,19july,2015(QJ/SDN)-Xili lagu wado in maalinta Jimcaha ee fooda nagu soo hayso uu magaalada Nairobi soo gaaro M/weynaha Mareeykanka Obama, ayaa amaanka guud ee Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxaa la wareegay ciidamada FBI-da Mareeykanka kuwaasoo si weyn usii xaqiijinaya amaanka.

M/weyne Obama oo Aabihiis kasoo jeedo Dalka Kenya, ayaa booqashadiisa waxay noqon doontaa tii ugu horeeysay tan iyo markii uu ku fariistay Kursiga Aqalka Cad ee looga arimiyo Mareeykanka.

Dn-Clear-Obama-1607-yh.JPG

Mr Eric Kiraithe, oo ah madaxa amaanka Jomo Kenyatta, ayaa sheegay in Ciidamada Sirdoonka Mareeykanka ay sugi doonaan amaanka Garoonka.

Dhanka kale waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka Guud ee Kenya gaar ahaan Nairobi, iyadoo wadooyinka halbowlaha u ah magaalada lagu arkayo Ciidamo Ameerikaan ah.

 

Comments are closed