|

Ciidamada Ethiopia oo howlgallo dad lagu qab qabtay ka sameeyay Guriceel

Guriceel Dec 04,2011(qurbejoog.com) Sida ay Website-ka Somalidiasporanews.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka, Ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia ayaa dhaq dhaqaaq ciidan waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. 

Ciidamada ayaa la sheegay inay wataan hub iyo gawaarida gaashaaman ee dagalka ah, waxaana la tilmamay in saakay ilaa xalay ay ku gaafwareegayeen xaafado ka mid ah degmada Guriceel oo ay ka shakisan yihiin inay ku dhuumaalaysanayaan Kooxo ka tirsan Al Shabaab. 

Ciidamada ayaa la socda kuwa Soomaali ah, waxaana la tilmaamay in howlgallada ay ku qab qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Al Shabaab, waxaana Saraakiil ka tirsan Ethiopia ay sheegeen in dadkaasi lagu hayo baaritaano xooggan. 

Arintaani ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee ku sugan halkaasi oo ka baqdin qaba inay qab qabtaan Ciidamada Ethiopia oo dhaq dhaqaaqyada Ciidan wada, waxaana la tilmaamay in taasi ay ka dambeysay kadib markii Ciidamada Ethiopia ay ka warheleen in kooxo ka tirsan Shabaab ay gudaha usoo galeen degmada.

Milatariga Ethiopia ayaa u jeedkoodu waxaa uu yahay inay gacan siiyaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolada dhexe, waxaana xusid mudan in dagaal ka dhan ah Al Shabaab ay ka wadaan goboladaasi.

 

Qurbejoog-Guriceel

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed