Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Xuddur
Bakool 07,March 2014 (SDN)- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Xuddur ee xarunta u ah gobolka Bakool.
Guddoomiyaha degmada Xuddur, Maxamed Macallin Axmed oo u warramayay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen degmada oo ay horay ugu sugneyd maleeshiyada al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inaanay iska caabbin kala kulmin maleeshiyada oo ay isaga baxeen magaalada markii ay ka war-heleen inay ku soo fool-leeyihiin.
Wuxuu Maxamed Macallin intaas ku daray in la sii ballaarin doono howlgallada la doonayo in maleeshiyada al-Shabaab looga xoreeyo gobolka Bakool.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha deeqda bixiya ayuu ugu baaqay
Bakool SDN.
Qurbejoog.com