|

Ciidamada Dawlada Somalia iyo Kuwa Amisom oo Iska Caabin kala hortagay Guluf dagaal oo ay Alshabaab ku Soo Qaadeen

Badhaadhe 24.March 2014 (SDN)- Maamulka degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa iska caabbiyeen weerar maleeshiyada Al-Shabaab habeenkii Axadda ay ku qaadeen magaalada.

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe, Faarax Haybe ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saddex ka tirsan maleeshiyada Shabaab oo ku lug lahaa weerarka.

Faarax Haybe ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, balse ay ciidanka dowladda u suurtagashay in ay hub kaga qabsadeen kooxdii weerarka soo qaaday.

Wuxuu intaas raaciyay in saaka ay baaritaano ka billaabeen gudaha degmada si loo soo qabqabto kooxo xalay ka haray maleeshiyadii weerarka soo qaaday oo la rumeysan in ay weli ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalada Badhaadhe.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aaddan weerarkii ay xalay ku qaadday Badhaadhe.

Badhaadhe SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed