|

Ciidamada dawlada oo ku dagaalamayCaasimada gudaheeda

Muqdisho November 01, 2024(QJ) -Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya oo geystay khasaare kala duwan ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ilaa Soonakeey. Iska horimaadka ayaa ka dhashay ciidamo ka tirsan dowladda oo burburiyay dhismayaal ku yaalla dhul la isku haysto.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo qaab beeleed u abaabulan ayaa ka hor tagay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda oo doonayay in ay xoog kaga saaraan dhul la sheegay in dowladdu ay ku leedahay deegaankaasi.

Labada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa waxaa dhex maray dagaal waqti dheer qaatay, waxaana taasi ay keentay qalalaase ka dhacay deegaanka. Goobaha ganacsiga iyo iskuulada ku yaalay agagaarka ayaa la xiray.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Labada dhinac ayaa weli ku sugan goobihii lagu dagaalamay, waxaana dhici karta in mar kasta ay dhacaan dagaalo kale.

Ciidamo xoojin ah oo ka kala socda labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen goobta uu dagaalku ka dhacay, waxaana saraakiisha ciidamada ay isku dayayaan in ay dhex dhexaadiyaan oo ay xaliyaan xaaladda.

Comments are closed