|

Ciidamada dawlada oo iska caabiyay weerar kaga yimi Al Shabaab

Kismaayo October 28,2024(QJ) -Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan weerar qorsheysan oo Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Sariiraha oo u dhow Jannaay Cabdalle, kana baxsan magaalada Kismaayo. Weerarka ayaa ku billowday qarax kaddib rasaas xooggan oo lala beegsaday bar koontarool oo ciidamada ay ilaalinayeen, taasoo keentay in rasaas muddo socotay.

Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdi Ciilmooge oo ah taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiishta ayaa ka warbixiyey weerarkaas oo ay horay u heleen xog sirdoon oo ay ku guuleysteen inay ka hortagaan. Waxa uu sheegay in ciidamada ay khasaare gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, haatanna ay ku raad joogaan ciidamadii haray ee goobta isaga baxsaday.

Weerarkan u danbeeyay ayaa mid ka ah dhowr jeer oo dhawaan ciidamada XDS iyo kuwa Jubbaland ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan weeraro qorsheysan oo Al-Shabaab ay maleegayeen, waxaana taasi ay keentay in qasaaro lixaad leh uu soo gaaro kooxdaasi.

Comments are closed