Ciidamada Booliska oo xiray nin Koofur Afrikaan ah oo Nin Soomaali ku dilay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay nin u dhaday dalka Koofur Afrika oo u shaqeynayay Shirkada SKA, kaasoo maalmo ka hor nin xoogsade Soomaali ah ku dilay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka ninkan oo maalin ka hor ka dhoofayay garoonka ayaa waxaa qabtay Ciidamada Booliska, waxaana haatan lagu hayaa Xarunta dambi baarista ee CID-da, iyadoo ehelada ninka la dilay ay dalbadeen in maxkamad la soo taago.
Mid ka mid ah ehelada ninka xamaaliga ah ee lagu dilay garoonka diyaaradaha muqdisho, ayaa warbaahinta Muqdisho u xaqiijyay in la xiray Ninka Koofur Afrikaanka ah, waxaana ay sheegeen inuu mudan yahay in dhagax lagu dilo.
“Waxaa laga war helay ninkii Koofur Afrikaanka ahaa oo garoonka diyaarad ka raacaayo laakin Ciidanka Booliska oo yimid ayaa waxay ka soo dajiyeen diyaarada waxaana lagu xiray CID-da” ayay tiri Gabar uu adeer u ahaa marxuumka lagu dilay Garoonka diiyaaradaha Muqdisho.
Ma jirowax war ahoo kasoo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku aadan xiritaanka ninkaan Koofur Afrikaanka ah ee muwaadinka Soomaaliyeed ku dilay wadankiisa Hooyo.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo badanayay falalka foosha xun ee ay la kulmaan Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika, kuwaasoo mar walbo dhac iyo dilal ka baxsan bini’aadanimada lagula kaco. Muqdisho SDN.