|

Ciidamada Booliska Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Askari Nin Shacab ahi Ceerigaabo Ku Toogtay

Ceerigaabo:2-Nov-2013(SDN)-Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sanaag Gaashaanle Xasan Ismaaciil Gacmo-yare ayaa faahfaahin ka Bixiyey Toogasho Mid ka mid ciidanka Ammaanka Loogu geystay Magaalada Ceerigaabo.

gaashaankaToogashadan oo uu Geystay Nin Shacab ah oo Ciidanku Soo qabashadiisa ku jireen, islamarkaana  Hore u Galay Arrimo sharciga ka soo horjeeda ayuu Taliyuhu Bulshada u Faahfaafiyey.

Taliyaha Qeybta Booliska Sanaag oo  xalay  U warramayey Qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland, ayaa tilmaamay in Ninkani Dekenooyin Hore Galay, “Waxaan idiin sheegayaa in maanta (shalay) ay ciidanka Boolisku doonayeen inay gacanta ku dhigaan nin hore dambe uga galay maxkamadda Ceerigaabo oo kiis kaga jiray, ka dibna isku dayay in wax loogu xukumo sida uu jecel yahay, markaa isku dayay hanjabaad iyo tahdiid uu ku sameeyay garsooreyaasha. Ninkaasi wuxuu hore qori ugu soo qaatay Maxkamadda ka dibna wuu baxsaday inta la is yidhi qabta.”

Ayuu yidhi Taliyuhu.

 

“Ninkan oo la yidhaahdo Cabdi Xasan Dhunkaal waxa markaa ka dib waaran u soo jaray labada maxkamadood ee degmada iyo gobolka Sanaag si sharciga loo horkeeno muddo ayuu dhuumanayay, markaa waxa la arkay in isagoo hubaysan uu dhex maro magaaladda Ceerigaabo. Waxa ciidanka booliska oo fulinaya waaranadaas maxkamadaha ay ku baxeen hawl gal ay ku soo qabanayeen,”ayuu Gaashaanle Xasan Ismaaciil Gacmo-yare hadalkiisa sii raaciyey.

 

Taliyaha Qeybta Boolisku waxa uu sheegay in ninkaasi uu dhaawacay askari ka tirsan ciidanka Booliska isla markaana uu baxsaday oo lagu raad-joogo sidii loo qaban lahaa, waxaanu yidhi “Waxa ninkaasi dhaawacay askari ka tirsan ciidanka Booliska oo hawl-galkaasi uu ka soo gaadhay dhaawac fududi markii xabadi kaga dhacday Garabka.”

Dhacdooyinka Noocan oo kale ah ee Ciidanka lagala Horyimaaddo ayaa caado ka ah Magaalada Ceerigaabo, waxana in badan soo Noqnoqota in ciidanka ammaanka si fudud loo Toogto ama loo Dilaba.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed