Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar Oo Gacanta Ku Dhigay Gacan-ku-dhiigle Xalay Nin Kale Dilay
Jowhar:May,26,2015(SDN/QJ)-Wiil dhallinyaro ahaa oo ku noolaa Magaalada Jowhar, ayaa xalay lagu dilay Gudaha Magaalada, Waxana Ciidamada Boolisku ku Guulaysteen inay Gacanta kusoo dhigaan ninkii dilka geystay.
Dilka, ayaa ka dhacay xaafadda Hantiwadaag, gaar ahaan halka loo yaqaano qaybta 5-aad. Marxuumka ayaa waxaa la dilay, xilli Saladddii Cishaha ahayd uu Masaajid ku soo tukaday, iyadoo dilkuna ka dhacay Afaafka hore ee Masaajidka.
Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in ninka dilka geystay uu ku hubeysnaa toorey, isla-markaana uu dilka ka dib, ka tagey goobtii uu dilku ka geystay.
Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Magaalada Jowhar, ayaa waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan ninkii dilka geystay, oo la soo sheegaayo in maalmo uun uu joogay Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ninka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Barkade, oo deegaanka looga garanaaayay (Fatiika). Fatiika wuxuu ka mid ahaa dhalinta jecel kubadda cagta.
Muddooyinkan dambe, ayaa waxaa soo hagaagaayay xaaladda amni ee Jowhar. Jowhar waxay 90km u jirtaa Magaalada Muqdisho, waxayna ka mid tahay Magaalooyinka ay gacanta ku hayso Dowladda Federalka Somaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com