Ciidamada Badda Somaliland oo badbaadiyey 71 Tahriibe, 11 Gaajo u dhintay oo Maydadkooda loogu tagay Laashka, 23 Badda lagu tuurey & Naakhuudayaal la qabtay DAAWO
Maydh, 10.Jan 2016 (SDN/QJ):– Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa soo badbaadiyey 71 Tahriibayaal u dhashay Itoobiya oo Doontii sidday kula Xumaatay meel u dhaw deegaanka Xarshow oo 50KM u jira degmada Maydh ee Gobolka Sanaag.
Doontan oo markii hore Xeebaha degmada Boosaaso ee Puntland ka soo qaadday Tahriibayaal gaadhaya 105 Ruux, ayaa markii ay Xumaatay ka dib, waxa gudaheeda loogu tagay Maydadka qaar ka mid ah Tahriibayaashii, kuwaas oo loo maleynayo inay u Geeriyoodeen Gaajo iyo Haraad, maaddaama oo sida la sheegayo ay muddo halkaa ku ciladeysnayd Laashka sidday.