|

Ciidamada badda ee Yurub iyo kuwa Puntland oo shiray

Bossaso July 03, 2024(QJ) -Markab dagaal oo ka socda ciidamada badda Midowga Yurub gaar ahaan kuwa loo xilsaaray ilaalinta badda Soomaaliya ayaa soo gaaray meel ku dhow xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland.

Agaasime ku xigeenka guud ee ciidanka badda Puntland Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka PMPF ayaa markabka dushiisa shir kula qaatay saraakiisha mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub.

Mr. Mahamud Silal Omar iyo Admiral Manuel Alvargonazalez Mendez oo ah taliyaha guud ee markabka oo ay weheliyaan saraakiil kale ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta labada dhinac. Waxay diiradda saareen kor u qaadista howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta hubka, ka ganacsiga daroogada, la dagaallanka argagixisanimada badda, iyo dhammaan falalka khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa si dhow loogu qiimeeyay natiijooyinkii xogaha la wadaagay ee ku saabsanaa howlaha burcad badeedda iyo guulihii laga gaaray howlgallada wadajirka ah, kuwaasoo horseeday in xilli hore la ogaado lagana hortago isku dayga abaabulan ee badda iyo berriga.

Ugu dambeyn, taliska PMPF iyo howlgalka EUNAVFOR ee ATALANTA ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la sii wanaajiyo howlgallada wadajirka ah iyo wadaagga macluumaadka ee amniga badda si looga hortago loogana hortago khataraha baddaha, gaar ahaan burcad-badeedda iyo argagixisada badda.

Leave a Reply